Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax xalay lala beegsaday gaari uu la socday Gudoomiyaha Degmadda Hodan ee Maamulka Gobolka Banaadir C/xakiin Dhagajuun.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa uu waxyeelo uu u geystay Gudoomiyaha iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.
“Gaari uu la socday guddoomiyaha degmada Hodon ninka lagu magacaabo Cabdi Xakiin dhegajuun ayaa qarax miino ku haleelay gudaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho,2 askari oo kamid ahaa ilaalada guddoomiyaha la beegsaday halka dhaawac culus uu soo gaaray Dhegajuun”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.
Dhaawaca guddoomiyaha degmada Hodon ee Gobolka Banaadir oo garaab ah ayaa loola cararay Isbitaalka Digfeer ee Magaaladda Muqdisho.

