Iyadoo maalmihii danbe ay taagneed Xiisad u dhaxeeso laba maleeshiya beelo walaalo ah oo wada daga deegaanka xanan buure ayaa Wararka ka imaanaya Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ay sheegayaan in xalay weerar xoogan uu ka dhacay deegaankaasi
Waxaana la sheegay in dableey hubeysan ay gaari hoomey ah oo dad shacab ah saarnaayeen ay weerar ku qaadeen islamarkaasna ay rasaas ku fureen
Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in weerarkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Qasaaraha ka dhashay weerarkaan ka dhacay deegaanka xanan buure ayaa waxa lagu sheegay in uu yahay dhimashada hal ruux iyo dhawaca laba qofood oo kale kuwaas oo haween ahaa
Dhawaca labadaan gabdhood ayaa waxa la sheegay in dhawacooda loo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada cadaado si halkaasi loogu dabiibo
Balse warar hoose oo ay idaacada simba helayso ayaa waxa ay sheegayaan In markale wadada ugalay
Waxaana markale halkaasi la sheegay in uu ka dhashay qsaare islamarkaasna mid ka mid gabdhihii dhaawaca ahaa ayaa la sheegay in ay geeriyootay halka nin gaariga la saarnaana la sheegay in uu dhaawac soo gaaray
Dhinca kale ragii weeraka geestay ayaa goobta iskaga baxsaday weerar kadib
Xaalada deegaanka xanan buure ayaa saaka ah mid yar dgan balse waxa jira cabsiqabaa in halkaas uu ka dhaco weeraro la xariira aa nooyin qabiil
Iyadoona ay xusid mudan tahay in weerarkaan uu imaanayi xili mudooyinkii dambe ay taagneyd xiisay u dhexeysa laba maleeshimabeeled oo deegaanka ah