Wararka ka imaanaya dalka south Africa ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay gudaha dalkaasi lagu dilay muwaadin soomaliyed oo ka mid ahaa muwaadiniinta somaliyeed ee ku ganacsada dalka koon fur afrika
Koox Buracad Koonfur Afrikaan ah ayaa Fiidnimadii Xalay Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Magacaabi Jiray Abdi jimale Bosska Ku Dilay xaafada Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur afrika.
Waxaana la sheegay in muwaadinkaan somaliyeed la dilay xili uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi islamarkaasna ay rag hubeysan ay rasaas ooda kaga rogeen sidaasna uu ku geeriyooday
Kooxdii bucad koonfur afrikaanka aheyd ayaa la sheegay in dilka ka dib ay goobta iskaga baxsadeen
Dilalka loogeeysto muwaadiniinta somaliyeed ee ku ganacsata dalka koonfur afrika ayaa inta badan ka dhaca gudaha dalkaasi
Waxaana usii dheer in dhacloogeysto manajirto cid wax ka qabatay dilalka isdaba jooga ah ee dalka koonfur afrika loogu geeysto muwaadiniinta somaliyeed
Gaar ahaana dhaliyarada somaliyeed eek u ganacsada dalkaasi
Dowladda dalka koonfur afrika ayaa looga baahna in xil gaar ah ay iska saarto muzuuliyada sugida amaanka iyo wax kaqabashada dilalka ganacsatada somaliyeed loogeysto maadaama ay ogolaansho ganacsi siiyeen canshuurana laga qaado lkn waxa mooda in dowladda koon fur afrika inay ka gaabisay islamarkaasna dilalku aysan wali joogsan
Sidookale dowladda somaliya ayaa looga baahna in ay cadaadis ku saarto dalka koonfur Africa in ay ilaaliyan amaanka muwaadininta somaliyeed ayna kula xisaabtamaan lkn mamuuqato dadaal weyn oo ay dowladdu ku bixisay arintaasi