Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta galaya maalintii sadaxaad waxaana looga hadlayaa tiirarka Barnaamijka Xukuumadda, Xiriirka wada shaqeyneed ee golaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, ahmiyadda Daahfurnaanta, Isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo Qorshaha horumarinta qaranka.
Shirka Banbaxa ayaa inta badan diiradda lagu saaraa Qorshe howlleed si koox koox ah loo sameeyay, waxaana lagu soo bandhigay kulamadiisii hore hannaanka ugu wanaagsan ee lagu mira-dhalin karo howllaha hortabinta u leh barnaamijka Xukumadda.
Banbaxa Golaha Wasiirrada ee maalinkii labaad oo shaley qabsoomay ayaa mid mid loogu dul istaagay hannaanka lagu xaqiijin karo 100 maalmood ee soo socda tiirarja Barnaamijka Xukumadda iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay Xiriirka wada shaqeyneed ee Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowladda, taas oo saldhig u ah xaqiijinta gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday masuuliyiinta hay’adaha Dowladda ee ku dhisan isla xisaabtanka.
Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu wada in lasioo gabgabeeyo waxaana gabagabada laga soo saari doona qoddobo mudnaanta koobaad siinaya howlaha hortebinta ee ku qotomo barnaamijka Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

