Donald Trump oo Sheegtay in uu Guuleystay in Kastoo Tirintu Weli Socoto

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in uu guuleystay in kastoo aan weli la tirin codadka gobollada sida wayn loogu loolamayo ee isbedelka keeni kara.

“Waxaan u diyaargaroobeynay in aan doorashadan ku guuleysano. Dhab ahaantii, waan ku guuleysanay doorashadan,” ayuu yiri xilli uu jeedinayay khudbad toos looga baahiyay telefishinnada oo uu ka hadlayay Aqalka Cad.

Codeyntii gobollada sida wayn loogu loolamayo, sida Georgia, Wisconsin, Pennsylvania, iyo Michigan, ayaan weli si buuxda loo shaacinin.

Codad aad u badan oo ay dhiibteen inta badan dadka magaalooyiinka waaweyn ku nool ee taageersan Dimuquraadiga, ayaan sidoo kale weli la tirinin.

Si gaar ah, Pennsylvania waa gobol si aan caadi ahayn loogu tartamayo. Dad aad u badan ayaa halkaas ka codeeyay, waxayna warqadaha ku direen boostada, waxaa la filayaa in tirinta ay qaadato maalmo.

“Midda ugu muhiimsan waa in aan ku guuleysaneyno Pennsylvania oo aan ka heleyno codad aad u badan,” ayuu yiri Trump. Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan ku wanaagsanaaneynaa aagga Pennsylvania oo ah meelaha laga jeclaanayo madaxweynahiina.”

Trump ayaa halkaas ku hoggaaminaya boqolkiiba 55.7% halka Joe Biden uu ka haysto 43% – Waxaana illaa iyo hadda la tiriyay boqolkiiba 74% codadkii la dhiibtay.

Si kastaba, Philadelphia, oo ah magaalada ugu wayn ee gobolka, waxaa laga soo weriyay boqolkiiba 48% oo keli ah – waxayna u janjeertaa dhanka Joe Biden.

Muuqaal midkaas la mid ah ayaa laga haystaa Gobollada Michigan iyo Wisconsin, oo mindi-caaradeed saran.

“Waan ku guuleysaneynaa Michigan,” ayuu yiri Trump. “Waxaana la soo xareeyay boqolkiiba 65% codadkii la dhiibtay. Waana ku guuleysaneynaa Wisconsin.”

Detroit, oo ah magaalada ugu weyn ee Michigan, waxaa weli u harsan codad badan oo aan la tirinin.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here