Ciidamadda Liyuu Boolis oo Burburiyay Baraakaddo Dad Shacab ay Lahaayeen+Sawirro

0

Ciidamadda Liyuu Boolis ee Dowladd Deeganka Soomaalida Ethopia ayaa burburiyay baraakaddo dad shacab ay lahaayeen.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday deegaan la yiraahdo Deeqlo waana deegaan ku yaala Xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowladd Deegaanka Somalida Ethopia.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda Liyuu ay si xoog ay baraakadda ay ku burburiyeen kuwaasi oo dad shacab ah lahaayeen.

Dhanka kale waxa uu sheegay in maamulka galmudug ay cabashadooda ku wargaliyeen balse aysan jawaab ka helin.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in dagaal ay la gali doonaan ciidamada Liyuu Boolis hadii aysan joojin dhibaatooyinka shacabka ay u geysanayaan.

Ciidamadda liyuu Boolis ayaa inta badan dhibaatooyin ka geysta xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowladd Deegaanka Somalida Ethopia,waxaana jira heshiis nabadeyn ahaa oo dhexmaray Galmudug iyo Dowladd Deegaanka Somalida Ethopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here