Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal laga fuliyay Mgaaaladda Muqdisho lagu soo qabtay rag ka Tirsan Shabaab iyo hubkii ay wateen.
Qoraal kasoo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay Xaafadda Oodweyne Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.
“Howlgal xalay xilli dambe ciidamada Sirdoonka Caasimadda ee qeybta ka ah NISA ay ka fuliyeen Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile ayaa lagu soo qabtay rag ka tirsan Al-shabaab iyo Hub kala duwan,ragga lasoo qabtay ayaa Al-shabaab u qabilsanaa dilalka iyo weerada qorshaysan ee Caasimadda.
“Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ayaa waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.
Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed.

