Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo Gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb

0

Taliyaha Ciidamadda Booliska Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdigiisa waxaa garoonka Magaaladda Dhuusa-mareeb kusoo dhaweeyay Saraakiisha Booliska Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Wafdigaan ay u gaareen magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay sahmin ay ku sameystaan sida loogu diyaar garoobay sugidda amniga Goobaha doorashooyinka ee magaaladda Dhuusa-mareeb madaama ay kamid tahay goobaha laga soo xulayo Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Dhuusa-mareeb kula kulmay madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), waxayna kala hadleen amniga Doorashadda iyo Sidii booliska ay ugu diyaar garobeen.

Taliye Xijaar ayaa sheegay ayaa sheegay in Magaaladda Dhuusa-mareeb ay geeyeen Boolis badan,sidoo kalana ay dib u habeyn ay ku sameyn doonaan ciidamadda.

Booliska Federaalka  Soomaaliya oo kaashanaya kan AMISOM ayaa sugaya amniga Goobaha Doorashooyinka oo loo asteeyay laba Magaalo 5-maamul Goboleed ee dalka ka jira.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale socdaalo ku tagi doono Magaalooyinka Kismaayo, garoowe, Baydhabo, Jowhar  ee Maamuladda Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Hir-shabeelle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here