Jemes;“Waxaan Aaminsanahay in Soomaaliya Xaq u Leedahay in ay Doorato Madaxdeeda”,!

0

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Jemes Swan oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololeenayeen doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad dastuurka dalka Soomaaliya isla markaana ay taageereen madaxda dalka soo martay, iyo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Jemes ayaa sheegay in Qaramadda Midoobe ay ka digeyso in meesha laga saaro Qoondda Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka soomaaliya iyo golaha aqalka sare.

“Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay in ay doorato hogaamiyeyaasheeda, Walow ay suurto gal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weennahay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Majiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwareer siyaasadeed, waxaan ku baaqeynaa in meelaha laga toos toosiyey nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, taas oo ay ku jirto qoondada 30% ee Haweenka ku metelaya barlamaanka Federalka ah, iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista in ay noqoto mid ballaarisa (Loo dhan yahay) , tusaale, ahaan, in habraaca xulista laga qeybgaliyo ururdada bulshada rayyidka ah, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Dowladaha Xubnaha ka aha Dowladda Federalka ah.

“Dabcan, sidoo kale waxaan rabnaa in aan xaqiijinno in habraacaku socdo daahfurnaanta ugu sarreysa yo islaxisaabtan,” ayuu Mr. Swan ku daray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here