Madaxweynaha mareekanka ayaa dalbaday in ciidamada mareekanka laga soo saaro soomaliya

0

Madaxweynaha mareekanka Donald Trump ayaa waxa uu lataliyayaashiisa sar sare u sheegay inuu doonayo ciidamada ameericaanka ah ee ku sagan geyiga soomaliya  inuu ka soo saaro, taas oo madaxweynaha u suurta galineysa in uu balanqaadyo wanaagsan oo hor leh ku sameeyo kaambeynkiisa doorashada  oo uu ciidanka dib dalka mareekanka ugu celiyo.

Wasaarada difaaca pentagon ee mareekanka ayaa  waxa ay qorshooyin u sameyneysaa madaxweyne Trump,  iyo wada hadalo uu la yeelanayo lataliyaha nabad sugida dalka mareekanaka  Robert , xoghayaha gaashaandhiga Mark Esper iyo abbanduulaha  ciidanka mareekanka Mark Milley.

Ciidamada mareekanaka soomaaliya ka joogo waxa ay gaarayaan 650 ilaa 800 sida ay xaqiijiyeen Africom kuwaas oo ka mid ah ciidamada sida gaaarka ah u tababbaran oo ka hawlgala koonfurta iyo bartamaha soomaaliya isla markaana garab iyo tababbar siiya ciidamada soomaaliya, kuwaas oo soomaaliya loo soo daabulay markii uu Trump madaxweyne ka noqday dalkaas mareekanka .

Waxana la sheegay in madaxweynaha soomaliya uu doonayo in ciidamada mareekanka in ay sii joogaan soomaaliya, intaasina waxa uu raaciyay ‘’ in uu aaminsanyahay doorka ay ciidamada mareekanka ay ka geesanayaan soomalia looga guuleysan karo dagaalamayaasha al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here