Xoghayaha guud ee dalka Nigeria ee wakaalada badqabka iyo maamulka bada Bashir Jamoh ayaa waxa uu sheegay in burcad-badeed Somali ah ay ka qawalaystaan bada Nigeria iyo gacanka guinea.
Masuulka ayaa laga soo xigtay isagoo leh ‘’ waxaan ogaanay in uu xariir dhaw ka dhaxeeyo dambiyada ka dhaca badeena iyo dhaqdhaqaaqa burcadbadeedka soomaalida.
Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in burcadbadeedda soomaalida ay leeyahiin marin ay xeenta soomaliya kaga soo baxaan ayna ku soo gaaran badaeena, iyagoo soo mara biyaha dhaca dalalka galbaydka afrika aynu nahay oowdwadaaga.
‘’ sido kale waxa uu sheegay burcadbadeedda soomalida in mar marka qaar xitaa ay xeebta ka soo baxaan una soo gudbaan xuduudaha, iyagoona doomaha amma maraakiibta ay qabsadaan ku amra in ay u fuliyaan hawlahooda.
Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada soomaaliya oo ku aadan hadalkaan oo ka soo yeeray xoghayaha guud ee dalka Nigeria

