Ciidanka Xoogga dalka oo bur buriyay Xabsi Qarsoon oo Al-Shabaab Lahaayeen

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal lagu baacsanayo Al-Shabaab ka fuliyey tuulooyin hoostaga Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose halkaasi oo ay ku dileen sagaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Nuunaay oo 15 km dhanka Galbeed kaga began Degaanka Bariire

Ciidanka ayaa howlgalka ku dillay horjogayaal iyo askar ka Tirsan Al-Shabaab, iyadoo ciidanka burburiyay Mid ka mid ah xabsiyada Qarsoon ee ay Al-Shabaab ku leeyihiin tuulada Nuunaay.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay mid ka mid ah Xabsi qarsoon oo Al-Shabaab ku lahayeen tuulada Nuunaay, isagoo intaa ku daray inay ciidamada kusoo furteen dad shacab ah oo Shabaab si afduub ah ugu heesteen xabsiga qarsoon

Taliye Axmed ayaa tilmaamay in howlgalka lagu dilay sarkaal Al-shabaab u qaabisanaa Xabsiga qarsoon, kaasi oo lagu magacabo Abuu Cabdullahi Mustaf iyo labo horjooge kale oo goobta ku sugaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here