Ciidanka Danab Howlgalo Ka Fuliyay Qeybo Ka Mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab ayaa waxa la sheegay in ay  ku dileen dagaalamayaal  ka tirsana Alshabaab, kuwaasi oo la sheegay in ay wadeen  dhibaatoyin

 

Danab ayaa hawlgalkaan ka fuliyey duleedka degaanka Leego, gaar ahaan tuulada Sahan-yareey oo ka tirsan degmadda Walan-weyn, halkaasi oo ay  ku dileen horjoogeyaal ay kamid yihiin Cabdicasiis Awoowe oo argagixisada u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeelada hoose, horjoogihii qaraxyada Gobolka Sh. hoose (Abuu-qadaab) iyo lix maleeshiyaad ah oo la socday sida ay Warbaahinta codka ciidamadda qalabka sida u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Danab ee hawlgalkaasi fulinayey.

Hawlgalkaan qorsheysnaa ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay danab ay ku bur-buriyay goob maxkamad ay alshabaab ku lahaayeen gobolka shabeelaha hoose , iyaddoo Danab intii hawlgalka ay kuguda jireen ay kusoo qabteen liis ay ku qoran yihiin magacyada, nambarada iyo meelaha ay kala joogaan sixiroolayaasha Alshabaab ay ummadda u adeegsadaan.

 

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa kordhiyay hawlgalada ay ka fulinyaan qeybo ka mid gobolka shabeelaha hoose waxaana ay sheegeen in howlgaladan ay ku doonya in  Alshabaab ay kaga saaran gobolka sh. hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here