Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxii ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii Ka Dhacay Maanta Magaaladda muqdisho.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday isgoyska Black Sea,gaar ahaan meesha ay saaran Tahay Diyaaradda Daallo Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo lagu dilay taliye sare oo katirsanaa sirdoonka dowladda iyo ciidamo ilaala u ahaa.

“Al-shabaab ayaa weerar ay ka fuliyeen Black Sea waxay ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa sirdoonka Nabadd Sugidda iyo 2 askari oo ilaala u ahaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here