Al-shabaab oo Xukun Dil ahaa Ku Fuliyay Eedeysane Xasan Aadan Cali

0

Al-shabaab ayaa Xukun dil ahaa ku fuliyay nin gacan ku dhiigle ahaa oo dilay ruux kale.

Xukunkaan ayaa ka dhacay fagaare ku yaala degmadda Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ee Dowladd Goboleedka Hi-shabeelle.

Gudoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xukun dilka ahaa lagu ridey gacan ku dhiigle Xasan Aadan Cali oo 44 sana jir ah kaas oo horay si bareer ah ugu dilay Xasan Cismaan Ibraahim.

Ehellada lahaa dhiigga ninka ladilay ayay maxkmaddu u bandhigtay in ay diyo qaataan, in ay cafiyaan ama in loo qisaaso waxayna doorteen qisaas sidaas ayaana lagu toogtay gacan ku dhiigle Xasan Aadan Cali.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here