Ciidamada maamulka jubbaland ayaa xalay waxa ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen xaafadaha ay ka koobantahay magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose.
Howlgadaan ay magaalada kismaayo ka sameeyeen ciidamada dowlad goboleedka jubbaland ayaa waxa la sheegay in ay kusoo qab shabakad al shabaab oo dhanka qaraxyada ah .
Sidookale ciidamada jubbaland ayaa waxa ay howlgaladaan ay sheegeen in lagu soo qabtay dad fara badan kuwaasi oo dhalinyaro ubadnaa islamarkaasna la sheegay in ciidamadu ay qaar kood siidaynayeen markii ay baaritaano kala duwan ku sameyaan kadib halka kuwa ubaahada baaritaano dheeri ah ay udirayeen saldhigyada magaalada kismayo
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada sidoonka jubbaland ayaa faafaahin ka bixiyay howlgalada ciidamada jubbaland ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada kismaayo
Waxaana uu sheegay in ay ciidamada jubbaland ay fashiliyeen qaraxyo badan iyo dad kii watay islamarkaasna ay gacanta kusoo dhigeen shabakad al shabaab ah
Waxaana uu intaasi kudaray sarkaalku in loo baahanyahay in dadka shacab ka ah ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka kuwaasi oo u taagan sugida nabad galyada shacabka.
Ciidamada maamulka jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale howlgalo uga fuliyay deegaanada gobolka jubbada hoose kuwaas ay ku sheegeen in ay ku sugayaan amaanka

