Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka doodayaan sharciyo dhowr ah.
Kulanka xildhibaanada ee maanta ayaa ah kulan weynaha golaha waxaana ajandayaasha ay kala yihiin .
Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Dowladda Soomaaliya .
Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Qaxootiga.
Guddoonka golaha shacbka ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay Dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro.
Kulan xildhibaanada golaha shacab ayaa waxa uu imaanaya xilli kulamo dag dag ah ay xildhibaanadu qaadanayeen mudoyinkii dambe islamrkaasna ay ku ansixiyee sharciya dhowr ah
Waqtiga xildhibaanada barlamaanka u haray ayaa aad u yar waxaana ay doonayaan in ay meel mariyaan sharciya badan oo muhiim ah

