Ciidamada daraawishta dowlad goboleedka jubbaland ayaa howlgalo xalay aka sameeyay afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magalada kismaayo oo xarunu ah gobolka jubbada hoose .
Howlgalo balaaran oo ciidamada maamulka jubbaland ay ka sameeyn magaalada kismayo waxay la sheegay in ay kusoo qabqabteen dad badan oo iskugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha magaalada kismaayo
Dadka howlgalkaan lagu soo qabqabtay ayaa waxaa la sheegay in ay u badnaayeen dhalinyaro kuwaasi oo looga shakiyay in ay falal amni daro ay ka geeystaan magaalada kismaayo
Saraakiisha ciidamada howlgalka fuliyay hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaan ay ahaayeen kuwa culus kuwaasi lagu xaqiijinayo amaanka deegaanada gobolka jubbada hoose
Sigaar ah waxay ay sheegeen sarakiishu in howlgaladii xalay ay ciidamadu uga fuliyeen xaafadaha magalada kismaayo,Waxaana ay sheegeen in ay kusoo qabteen dad badan kuwasi ay sheegeen in qaarkood ay siidaayeen markii baritaano lagu sameyay kadib.
Halka kuwa kalana ay saraakiishu tilmaameen in ay geeyeen saldhigyada ciidanka booliska ee ku yaala magaada kismayo si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.
Howlagaladaan ay sameeyeen ciidanka maamulka jubbaland ayaa waxa uu imaanaya xilli magaalada kismayo ay muddoyinki dambe ka dhacyeen falal lidi ku ah aminiga kuwaasi oo ay qeyb ka haayeen qaraxyo magaalada ka dhacay oo uu dambeyay qaraxii lagu dilay gudoomiyihii rugta ganacsiga jubbaland.

