Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysnaa oo macalimiin ku laayay Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle.
Sida ay sheegeen Maamulka Degmadda Cadale kooxo hubeysnaa ayaa macalimiinta ugu tagay goob ku subcinayeen saakay xili hore,waxayna la dhaceyn rasaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay illaa 5 oo laba ka mid yihiin walaalo isla dhashay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay.
1) Sheekh Daahir Xasan Cali
2) Macalim Maxamuud Canbuure
3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe
4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo
5) Ow Muxumud Xasan Calli
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in falkaan uu u dhacay aano qabiil,islamarkaana ay socdaan baaritaano.

