Qarax ay Ku Dhinteen 6-ruux oo Ka Dhacay Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in qarax miino uu ka dhacay halkaas.

Qaraxaan ayaa ka dhacay meel 25 KMG u jirta Degmadda Xudur Bokool, ee Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, qaraxaan ayaa loo dhigay dad shacab oo saarnaa mooto 3 lugoolay ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 6 qof ayaa, 2 waa dhaawaac, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana lagu eedeeyay dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here