Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gooni ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Madaxweynayaasha putland iyo galmudug ayaa kulankooda gaar ka ah waxa uu ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho gaar ahaana hoyga uu muqdisho ka dagan yahay madaxweynaha maamulka galmudug Axmed cabdi kariye qoor qoor
Waxaana la sheegay in Siciid cabdulahi dani iyo Axmed cabdi kaariye qoor qoor hogaamosha maamulada galmudug iyo putland ay ka wada hadleen Arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo sidii dalka ay uga dhickarto doorasho waqtigeeda ku dhacada.
Sidookale wararka ayaa intaasi ay ku darayaan in laba hogaamiye ee putland iyo galmudug ay ka wada hadleen arimo kusaabsan shirka madaxda maamul goboledyada iyo madaxweynaha jfs uga socda magaalada muqdisho
Madaxweynaha putland ayaa tan iyo intii uuusoo gaaray magaalada caasimada ah ee muqdisho ka waday kulamo gaar gaar ah oo uu layeelanayo masuuliyiinta ku sugan caasimada dalka
Waxaana xusid mudan in wali uu socdo shirka hogaamiyaasha dowlad goboledyada iyo Madaxweynaha JFS maxmed cabdulahi farmajo kaasi oo si toos ah u furmay maalinimadii shalay aheyd.

