Shacabka magaalada muqdisho Oo Loogu Baaqay in ay Bixiyaan Canshuurta+Sawirro

0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay noqdaan Canshuur bixiyeyaal.

Sidoo kalana dib loogu soo celinlahaa bilicdii Caasimada isla markaana wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada u baahan-yihiin sida; Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha Muhiimka ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Carab ayaa warbaahinta u aqriyay waxyaabaha kulanka looga Hadlay Kulanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here