magaalada beydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa maanta ka soconeysa qaban qaabo xoogan oo loogu jiro soodhaweynta wufuud kala duwan oo ay kala hogaaminayaan madaxweynasha maamulada galmudug iyo Hirshabeele.
amaanka magaalada beydhabo ee gobolka baay ayaa maanta siweyn loo adkeyay waxaana la filaya in saacadaha soosocda in ay gaaraan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada hirshbeele iyo galmudug.
Wararka ka imaanaya magaalada beydhabo ayaa kusoo waramaya in qabqaabadi ugu dambeysay ay kasocto halkaasi oo lagu wado in wufuud kala duwani maanta ay gaaraan.
Ujeedka madaxweynsha maamulka hirshabeele iyo galmudug ay utagayaan magaalada beydhabo ayaa wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi ay uga qeyb galayaan shir madaxweynasha dowlad goboleedka hirshabeele koonfur galbeed iyo galmudug ay ku yeelanayaan magaalada beydhabo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynayaashu marka ya shirks ay yeeshaan ka dib ay usooweecan doon dhanka magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayna ka qeybgali doonan shirka la filayo in magaalada muqdisho ay ku yeeshaan madaxweynaha Jfs iyo mamulgoboleedyada jubaland iyo putland

