Madaxweynihii hore ee dalka xasan Sheekh maxamuud oo ka hadlayay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameyay madaxweynasha dowlad goboledda putland iyo jubaland ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan doorashoyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan horaanta sanada 2021 doorashoyinkaasi oo waqtigeeda ku dhacda.
Madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo horay usoo maamulay dalka ayaa Faafaahin ka bixiyay sida ugu macaquulsan ee doorasho laisku raacsanyahay ay dalka uga dhici karto ,Madaxweyne xasan sheikh ayaa sidookale ka hadlay xaalada kala guur ka ah ee uu dalku haatan uu galay.
Waxaana uu sheegay madaxweyne xasan sheekh In in doorasho laiskugu raacsanyahay oo waqtigeeda ku dhacda ay dalka ka dhici karto marka la ogaado Waqtiga rasmiga ah ee doorashada dalka ka dhaceysa islamarkaasna waxaa sheegay hadii taas la ogaado laisku raacikaro nuuca doorasho ee dalka ka dhacysa iyo inta ay qaadan karto waqti ahaan
Dhankale madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa ku dardaarmay in gogol iyo wadahal wax walba lagu dhameyo islamarkaasna Arimahaan oo kalana loo baahanyahay in laga wada fariisto
Hadalka madaxweynihii hore dalka xasan sheekh maxamuud ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli kulan soo dhaweyn ah loo sameynayay hogaamiyaasha dowlad goboledyada jubbaland iyo putland kuwaaasi oo magaalada muqdisho uyimid in madaxweynaha JFS ay kala hadlaan arimo ku saabsan doorashoyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan iyo qodobadii kasoo baxay shirkii dhuusamareeb 3 oo ay horay u qaadeceen qodobadii laga soo saaray iyo ka qeyb galka shirkaasi.

