Maamulka Gobolka Hiiran Oo walaac xoogan ka muujiyay saameynta fatahaada wabbiga shabeelle

0

Maamulka gobolka hiiran ayaa walac xoogan ka muujiyay fatahada wabbiga shabeele ka sameyay qeybo ka mid ah madalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiran

Biyaha wabbiga ayaa fariistay qeybo badan oo ka mid ah magaalada baladweyne,waxaana ay taasi saameyn xoogan ku yeelatay dadka ku dhaqan gudaha xaafada ku yaala magaala madaxda gobolka hiiran

Maamulka gobolka hiiraan ayaa sheegay in inta karaankooda ah ay caawinayaan dadka ay saameeyeen fatahaada islamarkaasna ay dadka usameeyeen meelo ay kala soo xariiran maamulka marka ay ubaahdan in la caawiyo

Taliye ku xigeenka ciidanka gobolka hiiran isaaq cali cabdule oo lahadlay idaacada simba ee muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in saameyn taban uu ku yeeshay fatahaada wabbiga shabeele islamarkaasna ay wada samata bixinta dadka uu soo gaaray biayaha wabbiga

Taliyaha ayaa sheegay in dhan walba uu saameyn uga yeeshay wabbiga markaa fiiriyo ganacsiga iyo beeraha iyo waxsoo saarka gobolka hiiran

Dhankale taliye isaaq cali ayaa soo hadalqaday arimaha amniga gobolka hiiran waxaana uu sheegay in amniga gobolka uu yahay mid laisku haleyn karo islamarkaasna waxa uu sheegay in aysan jirin wax amniga dara ah oo ka jira  deegaanada gobolka hiiran.

Taliyaha ayaa sidookale waxa uu sheegay in amaanka dadka reer hiiran ay sugayaan

waxaana uu  dagnin adag udiray dadka isku dayaya in falal amni daro ay ka geeystaan deegaanada gobolka hiiran

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here