Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda Shirkadaha Duulimaayadda ku taga magaaladda kisamayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Magaaladda Kismaayo,islamarkaana diyaaradaha aadaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arintaan lagu lagu xayirayo wafdi ka socda Dowladda Kenya oo uu hogaaminaayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,kaasi oo la filayo in uu ka qeyb galo Caleema-saarka Axmed Madoobe.


