Ana Sayfa Wararka Eedeysane C/rashiid Janan oo La Horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir

Eedeysane C/rashiid Janan oo La Horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir

0
Eedeysane C/rashiid Janan oo La Horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir

Eedeysane Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo BaladXaawo ee Gedo oo loo wada heysto taciyado ka dhacay Gobalkaasi ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

C/rashiid Janan  ayaa Mudooyinkii dambe lagu hayay xabsi ku yaala Magaaladda muqdisho,waxayna dowladdda Soomaaliya sheegtay in uu galay Dambiyo dhanka Biniaadanimadda.

Booliiska Soomaaliya ayaa 31-dii bishii Aguast ku xiray  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid magaalada, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka hadlay xariga Wasiir Janan,wxayna sheegeen in ay talaabooyin qaadi doonaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here