Maamulka Puntland ayaa soo saaray awaamiiir ka dhan ah Hoteelada ku yaalla magaalada bosaaso ee gobolka Bari, kuwaasi oo la xiriira amniga.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bari, Axmed Cali Cabdullaahi ayaa faahfaahiyay awaamiir la xiriira sugidda amniga oo ka soo baxay maamulka gobolka.
“Waa jirtaa warqaddaasi, waxaan soo saarnay saddexdii bisha, waxaana soo saaray guddiga nabad-gelyada gobolka, waxaanna kaga hadlayney, in aan shirar gaar-gaar ah oo aysan ogayn guddiga nabad-gelyada gobolku, aan lagu qaban Karin hoteelada magaalada Boosaaso” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in cid kasta oo shir qabsanaysa laga doonayo, in ay soo ogaysiiyaan guddiga nabad-gelyada gobolka Bari, si ay ogolaansho uga qaadato guddiga, islamarkaana mas’uuliyad la isga saaro sugidda amnigooda.