Ana Sayfa Wararka Beesha Caalamka oo Diiday Muddo Kordhin Loo Sameyn Lahaa Baarlamaanka KGS

Beesha Caalamka oo Diiday Muddo Kordhin Loo Sameyn Lahaa Baarlamaanka KGS

0
Beesha Caalamka oo Diiday Muddo Kordhin Loo Sameyn Lahaa Baarlamaanka KGS

Beesha Caalamka ayaa diiday Dalab muddo kordhin loogu sameyn lahaa Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madax ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan Beesha Caalamka u bandhigay qorshe ku aadan in muddo 3-sano ah loo kordhiyo Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay waqtiga ula dhameystaan Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Xildhibaan Xuseen Xasan Cabdi oo kamid ah XIldhibaanadda Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in xubnaha beesha Caalamka ay diideen Dalabka Muddo kordhinta Baarlamaanka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Xubnaha beesha caalamka ay soo jeediyeen in doorasho la aado.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan  iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya ay wadaan qorshaha ku aadan in muddo kordhin loo sameeyo baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here