Ana Sayfa Wararka Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen 121-askari oo Mareykan ahaa

Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen 121-askari oo Mareykan ahaa

0
Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen 121-askari oo Mareykan ahaa

Al-shabaab ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay weerarkii Qaraxyadda ku bilowday ay maanta ku qaadeen Saldhiga Ciidamadda Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

War Saxaafadeed ka soo baxay Maktabka warfaafinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan ‘Shabaab’ ay subaxnimadii Isniinta ee saaka ay weerar xooggan ku qaadeen garoonka Balidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay  in ka badan 121 askari oo Amerikaan ah, tobanaan ciidamo Yahuud ah iyo qandaraasleyaal cadaan ah oo gaaraya ilaa 40 ruux kuwaas oo ku sugnaa saldhigga.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaan uu jawaab u ahaa Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Gudaha Soomaaliya.

“Weerarkan wuxuu jawaab celin u yahay duqeymaha ay ciidamada Mareykanku ku beegsadaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale fariin u yahay maamulka Trump iyo shacabka Mareykanka kuwaas oo uu u dirayo dhambaal ah in siyaasadooda arimaha dibadda ee cadowtooyada ku dhisan ee ka dhanka ah Muslimiinta ay ka dhalaneyso cawaaqib adag oo ay uguran doonaan sideey iyagu u beertaan”,ayaa lagu yiri warka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here