Ana Sayfa Wararka DFS oo Isu Diyaarinayso Ka Faa’iidaysiga Kheyraadkeeda Shidaalka

DFS oo Isu Diyaarinayso Ka Faa’iidaysiga Kheyraadkeeda Shidaalka

0
DFS oo Isu Diyaarinayso Ka Faa’iidaysiga Kheyraadkeeda Shidaalka

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarinayso xiligaan ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda shidaalka.

Magaaladda Addis ababa ee Caasimadda dalka Ethopia waxa ka dhacay Shir lagu lafa gurayay sida looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway, waxaana diiradda lagu saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.

”Waxaa la isla meel dhigay habka ugu casrisan ee loo maamulayo shidaalka marka la soo saaro,kaasi oo ay ku midaysan yihiin Soomaalida oo dhan”, Ayuu yiri wasiir Hilaal.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir ayaa sheegay in laga gaashaamanayo in marka shidaalka la soo saaro uusan khatar ugu noqon dadka iyo bayaduba.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here