Ana Sayfa Wararka Dowladda Soomaaliya oo Hakisay Duulimaadyadii Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo

Dowladda Soomaaliya oo Hakisay Duulimaadyadii Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo

0
Dowladda Soomaaliya oo Hakisay Duulimaadyadii Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saaray amar ah in gebi ahaanba la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Magaaladdda Kismaayo laga bilaabo maanta oo ku beegan 23 September illaa 26 September 2019.

Qoraal kasoo baxay Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hakiyay duulimaayadii Magaaladda Kismaayo.

Shirkadaha duulimaayada ayaa la Faray in uusan jirin wax duulimaad ah oo tagaya Kismaayo inta lagu guda jiro mudadaas ay xanibaada saaran tahay, wixii ka dambeeyana dib loo fasixi doono duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Kismaayo.

Shalay waxaa xayiraad la saaray Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed,kaasi oo ku wajahnaa Magaaladda Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here

Bu site istenmeyenleri azaltmak için Akismet kullanır. Yorum verilerinizin nasıl işlendiğini öğrenin.