Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaaalka Soomaaliya oo duhurnimadii maanta Askari kale iyo Darawal Mooto ku toogtay Xaafadda Cali Kamiin Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askariga ayaa askariga kale oo iska dhigayay Darawal Mooto iyo Darawalka Mooto bajaaj saxda ah ku amray in ay mootadda joojiyaan,islamarkaana ay dib u laabtaan madaama wadada dhismo ka socdo.
Darawalkii Mooto Bajaajka oo askari ahaa xiligaas ayaa ku adkeystay in uu wadada marayo madaama ay saaxiibo yihiin Bajaajlaha uuna dhaafinaayo,balse rasaas lagu furey ayaa sababta dhimashadda askariga iyo dhaawaca Wiilkii Mootadda lahaa.
Inta badan ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa rasaas u adeegsada wadayaasha Mooto Bajaajka gudaha Magaaladda muqdisho.

