Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaliya ayaa hakiyay howlihii shirkadda Ceymiska Takaaful kadib markii Gaadiidleyda Gobolka ay shalay ku dhawaaqeen shaqo joojin.
Kulan ay xalay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta maamul Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha amniga ayaa lagu go’aamiyay in shaqo joojin in lagu sameeyo Shirkadda Ceymiska Takaaful si ay shaqadooda usii wataan gaadiidleyda Gobolka Banaadir oo shirkadda ku eedeeyay in lacago xad dhaaf ay ka qaado.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa markuu soo dhamaaday kulanka warbaahinta sharaxaad ka siiyay waxa kulanka loogu hadlay iyo go’aanka maamul Gobolka Banaadir uu ka gaaray cabashada gaadiidleyda Gobolka Banaadir ka timaaday.
Mudane C/fitaax cumar Xalane ayaa sheegay in la hakiyay howlihii shirkadda Takaaful islamarkaana ay shaqooyinka sii wadan karaan Gaadiidleyda Gobolka Banaadir oo maalintii shalay aheyd shaqo joojin sameeyay.

