Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa xalay lagu doortay xubno kamid noqonaya aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deegaanada Maamulkaas.
Doorashadaan oo aheyd mid aad u adag ayaa bilaabatay xalay saacada marka ay aheyd 08:00 Habeenimo waxaana ku tartamay kuraasta Haween iyo Rag.
Kursiga Koowaad waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ahaa Maxamuud Maxamed Boonow oo helay 30 cod, iyo C/qaadir Maxamed Cali oo isna helay 21 cod, Kursiga Labaad waxaa ku tartamayey Saddex haween oo kala ah Mako Maxamuud Maxamed oo heshay 14 cod, Xamdi Hilowle ayaa heshay 4 cod, halka Sareedo Maxamed Cabdalla oo guuleysatay ay heshay 32 cod.

