Doorashada nagu soo foodleh ee sanadkan 2016 ayaa la’ filayaa gabi aahaanba in ay noqoto mid ka duwan doorashooyinkii horay u qabsoomay tan iyo xiligii soomaaliya ay u madax banaanaatay danaheeda in ay u tashato, waxaana ay dhicidoontaa muddo koobaan oo waqti uusan ka’ harsaneyn iyada oo wax waliba sidii la’rabay aanay aheyn.
Waxaana wadanka ka jira siyaasado badan oo isdiidan sida:
- shaqsiyaad doonaya danahooda in ay gaaraan
- xisbiyo damacoodu badan yahay
- ururo-diimeed damacsan talada dalka in ay tooda ku maamulaan.
- qabaa’ilo qashinkooda wata dagaalna u diyaarsan.
- dowlado shisheeye oo dalka iyo dadka aan u diirnaxeynin.
- federal oo caqabad cusub nagu ah.
- shacabka oo hurdaya.
- iyo hogaanka dalka oo mid jilicsan ah.
Aan u guda galo muhiimada qoraalkeyga xorta ah ee ku wajahan shacabka is mooday awoowayaashoodii basbeelay halgankoodii in uu noqday hal bacaad lagu lisay iyo in kale.
Weey iska cadahay in jaraa’idyada caalamka, talefishinada, raadiyaha, website-yada” aan kala socono maalin waliba iyo habeen kasta xaaladaha kala duwan ee dalka, dhacdooyinka xanuunka badan, taag-darada dowlada, faragelinta shisheeyaha dantiisa wata, iyo musiibooyinka aafeeyay dadkeena iyo dalkeena, iyada oo aysan ka’ marneen dhibaatooyinka ku heysta muwaadinka soomaaliyeed meel kabaxsan wadankiisa oo dhib iyo dheef intaba dareema sida in kumaanan xabsi ah lagu xukumo muwaadin soomaaliyeed iyo in loo geesto dhibaatooyin kala duwan oo nuucwalbo leh.
Jahawareer soo bilawday boqol sano ka’ hor ayaa heesta shacabka soomaaliyeed sanadii 1897 sayid mohamed abdulle hassan waxa uu iclaamiyay saddex qodob oo kala ahaa:
1:in soomaalida ay midoowdo isla markaana ay isku timaado
2:in ciidamada shisheeye dalka laga saaro sida: british,italy,ethopia iyo frence
3: in kitaabka (allah swt) laysku maamulo.
25-sano halgankii uu soo waday sayidku si umadda soomaaliyeed ay u midoowdo ilaa hada wax ka hergalay malahan, xiligaas 5-ta soomaaliya ayaa jirtay balse hada gobal kasta waa wadan gooni ah oo hadana kala sii tagtagaya.
– waxaana dalka jooga dowlado iyo ciidamo shisheeye oo magacyo kala duwan wata soomaaliyana ka’ ilaalinaya in ay isku timaado oo kheyraadka wadankana maamulanaya.
-diintana suuban waxaa laga doorbiday dastuur iyo xeer oo laga soomin guuriyay dalal shisheeye oo wali xitaa laysku sii fahmi la’yahay.
Umad waliba waxa ay ka tashataa aayaha nolosha dadkeeda dalkeeda iyo diinteeda, aaway dadkii soomaaliyeed?!!!!!!!
Waxaan wada ogsoo nahay 15-july-2016 dalka turkiga wixii ka dhacay oo ahaa afgambi xoog badan oo inta badan military-ga dalkaasi kaga soo horjeesteen xukuumada ankara waxaa ka dhiidhiyay oo hal-gacan noqday shacabka wadankaasi oo hor istaagay afgambiga dowlada ka dhanka ahaa isla markaana fashiliyay.
Maxaa diiday in shacabka soomaaliyeed midoobaan rabitaankooduna ay muujiyaan, dalkoodana ay dhistaan wax kasto oo laysku heystana lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad waxaa hubaal ah shacab kacay in aan la’ hor istaagi karin ilaa dantooda ay ka’ gaaraan.
Waxkasta oo horay loo soo maray burbur, dagaal, kala-tag iyo gumeysi waxaa kadaran waxa hada nagu soo foodleh oo cid qiyaasi karta aysan jirin iyo saameeynta ay yeelan karaan hadii shacabka soomaaliyeed sidan ay u aamusnaadaan; maah-maah hore ayaa aheyd: “caano daadanaya waa la’ daba qabtaa”.
W/Q wariyaha radio simba abdiaziz hassan ibrahim loyal

