Magaalada jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad Lagu Dhaarinayay Golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ka kooban 52 wasiiro,wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeeno , oo todobaaadkaan gudihiisa codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Baarlamanka Mamulkaas.
Munaasabada dhaarta golaha wasiirada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa dhaarinta kadib soo bandhigay qorshaha soo ee Maamulkiisa ee afarta sano ee soo socota, Wuxii sidoo kale ugu baaqay Wasiirada la dhaariyay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan isla markaana ummadooda ay ugu adeegaan cadaalad iyo sinaan.
Madaxweynaha Hir-shabeellle ayaa dhawaan soo magacaabay 23 wasiir,6 wasiiru dowle iyo 23 wasiir ku xigeen, Golaha wasiirada ayaa 33 ka mid ah waxa laga soo xulay xildhibaanada baarlamaanka halka inta kale aysan ahayn xildhibaano, waxayna maalinti aheyd codka kalsoonida ka helay Xildhibanada baarlamanka Maamulkaas.






