Maxkamad ku taala Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa amartay in xasbiga lagu sii hayo muddo 10-maalmood ah muwaadin kenyaan ah oo loogu shakisan yahay in uu wax ka ogaa weerarkii dhawaan ka dhacay Magaladaas.
Sida laga soo xigtay dhaarta uu maray Constable Stephen Opondo, Abdirahman Ali, oo 21-sano jir ah, kaas oo la xiray October 25, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarka lasoo qaaday.
Opondo ayaa sheegay in Mr Ali lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha hawlaha dambiyada abaabulan ee Magaalada Mandera.
“Waxa ninka uu ahaa shaqaalaha daryeela hotelka , iyadoona loo maray sirdoonka lagu kalsoonaan karo , waxaan aaminsanahay inuu taageeray weerarkii argagixiso ee Bishaaro Hotel taasoo keentay dhimashada 12 iyo dhaawaca 4,” ayaa lagu dhigay dhaarta.
Dhanka kale Dawladda kenya ayaa kusoo rogtay bandow deg deg ah fiidkii-ilaa uu-waagu ka baryo deegaanka Mandheera, laba maalmood ka dib markii Xarakada Al-Shabaab ay halkaa ku dileen 12 qof guriga martida ee Bishaaro Hotel.
Wasiirka Arimaha Gudaha Joseph Nkaissery oo warbaahinta la hadlay ayaa Khamiistaan maanta ku dhawaaqay bandowga.

