Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Shir La Yeelanaya Wakiilo Beesha Caalamka Ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa waxa la filayaa in maanta uu kulan la qaato xubno wakiilo ah oo ka tirsan beesha caalamka kuwaasi oo ku sugan magaalada caasimada ah ee muqdisho

madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ayaa waxa la sheegay in kulankooda maanta uu daaranyahay arimo badan oo ku saabsan xaladaha  siyaadeed dalka gaar ahaana arimaha doorashooyinka dalka oo muran badni uu ka taaganyahay

beesha caalamka ayaa waxa ay ku cadaadinaysa madaxweynaha in laqabto shir ay iskgu imaanayaan madaxda dowladda iyo dowladdaha xubnaha ka ah si xal wara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira islamrkaasna loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay

waxaana jirta in mudooyinkii dambe uu khilaaf xoogan uu hareyay arimaha doorashooyinka ee la filayo in dalka ay ka dhacaan iyadoo baaqyo kala duwan ay soo baxayeen kuwaasi oo ku aadana in la xaliyo tabashooyinka doorashada islamrkaasna shir laiskugu yimaado

kulanka madaxweynaha soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili xasaasi ah oo uu dalku kujiro xaalad kala guur ah islamrkaasna la filayo in loo dareero doorasho dalka ka dhacda taasi oo ah mid wada ogol ah oo heshiis lagu yahay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here