waxa magaalada jowhar ee caasimada maamulka hirshabeele maant ka soconaya bananbaxyo balaaran ku waasi oo lagu taageeriyo 13 kursi uu aqal sare uu matalaadi uga yeeshay gobolka banaadir
madaxweynaha jamhuurida faderaalka soomaaliya ayaa waxa uu maalin ka hor saxiixay ku raasta matalaada uu gobolka banadir ku yeelanayo senetarada gobolka aqalka sare ee barlamaanka soomaliya
waxaana xubnaha soo ansixiyay xildhibaanada barlamaanka ee golaha shacabka iyadoona uu gobolka bnaadir hada uu aqalka sare ku yeelanayo matalaada sadax iyo toban kursi
dadkaan bannbaxa dhiyay ayaan waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ay ugu mahadcelinayaan madaxeynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulahi farmajo kaasi oo saxiixay xubnaha matalaada gobolka banaadir ee aqalka sare
wararka aan ka helayno magaalada jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in hada bananbaxyo nabadeed ay ka socdaan magaalada jowhar islamrkaasna ay ka qeyb galayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka heshabeele gaar ahana maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo kan degmada jowhar
horay madaxweynaha mamulka hirshabeele ayaa war uu soo saaray waxa uu sheegay in uu si aad ah u taageerayo matalaada gobolka banaadir uu ka helay aqalka sare ,waxaana uu sheegay in ay tahay arin bogaadin iyo dhiiragalin mudan in ay tahay arintaasi
shalay ayay aheyd markii baxnanbaxyo waaweyn oo lagu taageeriyay 13 kursi aqalka sare uu ku yeshay gobolka bnaadir ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada casimada ah ee muqdisho
waxaana xusid mudan in ay jirtay hadal heyn ah oo lagu sheegayo in gobolada dalku ay matalaadooda iyo xaqooda in badan ay helaan balse uu gobolka banaadir uusan helin matalaadii uu lahaa

