warar ka imaanaya gobolka sanaag ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay rag hubeysan ay weerar ku qadeen hoyga gudoomiyaha gobolka sanaag ee deegaanada maamulka puntland
rag hubeysan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in xalay ay rasaas ku fureen hoyga gudoomiyaha gobolka sanaag ee qeybta puntland Cali Xuseen Soomaali kadibna ragaasi hubeysnaa ayaa waxa la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen.
majirto ilaa iyo hada wax qasaaro ah oo laga soo wariyay in uu ka dhashay weerarka lagu qaaday hoyga gudoomiyaha gobolka sanaag Cali Xuseen Soomaali marka laga reebo in rasaastu ay bur bur ugeysatay guriga godoomiyaha
gudoomiyha gobolka sannaag ee qeybta puntland Cali Xuseen Soomaali oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan kasoo gaarin weerarka lagu soo qaaday islamrkaasna waxa uu sheegay in kooxdii soo weerartay ay baxsadeen.
lama oga cida sida rasmiga ah usoo weerartay hooyga gudoomiyaha iyo sababta loo soo weeraray balse waxa la sheegay in ciidamada maamulka puntland ee ilaalada ka ahaa hoyga gudoomiyaha iyo ragii hubeysanaa ee soo weeraray guriga doomiyaha in uu iska ho imaad kooban dhexmaray intaasi kadibna ay baxsadeen ragii weerarka soo qaaday oo aan ilaa iyo hada heybtooda la garaneyn .
ciidamada amaanka mamaulka puntland ayaa waxa la sheegay in weerrakasi kadib in dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgalo ay ka sameeyeen meel u dhaw hoyga gudoomiyaha gurigiisa lasoo weeraray
waxaana howlgaladaasi la sheegay in lagu baadi goobayay ragii ka dambeeyay weeararkaasi lagu qaaday hoyg gudoomiyaha gobolka sanaag ee qeybta puntland Cali Xuseen Soomaali.

