Kelechi Iheanacho Wuu ka Wanaagsan yahay Anthony Martial.

0

Taageerayaasha kooxda Manchester city ayaa aaminsan in weeraryahanka yarka ah ee Kelechi Iheanacho uu ka wanaagsan yahay weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial.

19-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Negeria  ayaa sadaxley dhaliyay kulankii ay xalay ka hortageen kooxda Aston Villa taasi oo ka dhigan in kooxda sky Blue ay usoo gudubto wareegta 5-aad ee koobka caanka ee Fa Cup-ka,

Dhanka kale weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial. Ayaa labo caawin sameeyay kulankii ay ka adkaadeen kooxda heerka Labaad ee Horyaalka dalka Ingiriiska Derby County. ciyaar habeen Hore dhacday.

Labada ciyaaryahan ayaa dhaliyay xali ciyaareedkaan min 8-Goal laakin Taagerayaasha Sky Blue ayaa aaminsan in laacibka Kelechi Iheanacho uu ka wanaagsan yahay weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here