Wasaarada Qorsheynta oo shir u qabatay Qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha+Sawiro

0

Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qabatay shir looga hadlayay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha ay hiigsanayan qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaliya,

Shirka waxaa ka qey b galay qaar kamid ah Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Qorsheynta ee Wasaaradaha dowladda, waxaa inta badan lagu gorfeeyay sidii loogu shaqeyn lahaa Hormarka dalka.

Qaar kamid ah ah Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dowladda oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo u qabsoomay in caqabado wali hortaagan wasaradaha ay agaasimiyaasha  ka yihiin.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo kulanka kadib la hadlay saaxaafada ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisa uu ahaa sidii wasaarad kasto loogu tilmaami lahaa qorshe howleedka lagu hormarinaayo howlaha ay hayaan.

IMG_1030 IMG_0973 IMG_0972 IMG_0966 IMG_0952 IMG_0943 IMG_0941IMG_0927IMG_0928IMG_0933IMG_0935IMG_0924

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here