21-kii January Habeen Khamiis Ay Baxeeyso Jimcana Ay Soo Galeeyso Ayaa Mar Qura Waxaa Weerar Xoogaan oo Masuuliyadiisa Ay Sheegteen Xarakada Al-Shabaab Waxa uu ka dhacay Maqaaxida Liido Seafood oo Ku Taala Xeebta Liido Degmada C/casiis Ee Gobolkan Banaadir.
Weerarkaasi Ayaa waxa ku Dhintay in kabadan 20-Ruux halka in kabadana 50 Ruux oo kale ay ku dhawaacmeen Weerarkaasi.
Isbuuc Kadib Weerarkaasi Waxaa La Dareemayaa Saameeyntii uu yeeshay , Shalay Abaarihii 04:00 Ayaan Gaaray Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho Jawiga ayaa ka Badalnaa sida uu Ahaa Wayihii hore.
Dad Teel Teel Ah Ayaa Xeebta ku Sugnaa kuwaasi oo Soo Qiimeeynayay Xaalada Xeebta Liido oo Ay Dadku u damaashaad Tagaan.
Afafka hore Ee Hoteelada Ayaa ka Dareemaysaa in aanay Dad Badan Hoteeladaasii ku sugneeyn oo Waayo Gawaari Aad u farabadan Ayaa Baakinaan Jiray Afafka hore Ee Hoteelada ku Dhow Xeebta hayeeshee Shalay Jawiga Waa uu ka Dowanaa Taasi. Hoteelkii la weeraray Ee Liido Sea Food Ayaa waxaa ka socday Dib u tacyactir .
Dhanka Kale Hoteelada ka Ak dhawaa Xeebta Ee Looyaqaano Beacheska Ayaanay Xiligaasi ku sugneeyn Dad Aad u badan
Dadweeyne Aan Sidaasi u badneeyna Waa ay u Soo Damaashaad Tageen Xeebta Liido.
Axmed Xasan Foodeey Waxa uu kamid yahay Dadkii u Soo Damaashaad Tagay Xeebta Waxa uu ii Sheegay in isbadal Xoogan uu Dareemayo.
Xeebta Waxaa ka shaqeeysta Dhalinyaro Aad u Farabadan kuwaasi oo leh Dooman oo Dadka imaanaya Xeebta Gudaha Badda Dalxiis u geeya Waxa Ay Hadda Dareemayaan Isbadal Aad u weeyn oo Waayo Waxaa aad u yar Dadka Xeebta Tagaya.
Maamulka Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir ayaa qiray in Ay Jirto Saameeyn Aad u Balaaran oo xeebta laga Dareemayo Maxamuud C/llaahi Axmed Waa Gudoomiye ku Xigeenka Degmada C/casiis Waxa uu Sheegay in ay Wali la Tiiraanyoonayaan Dadkii Naftoodii ku weeyay Weerarkii Xeebta Liido Saameeyntana Ay Sidaasi keentay.
Gudoomiyaha Ayaa baaq u diray Qurbo Joogto iyo Dadkii ka imaanaya Muqdisho Ee Xeebta imaanaya in aanay Saameeyn ku yeelan Amnigana Ay Sugayaan Xaaladana Sidii hore ay ku soo laabaneeyso.
Waxaa diyaariyay wariye Xasan Maxamed Samatar (Cowke)

