Xeer Ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Garoowe ayaa ka hadlay dalab ka yimid Dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in lasii daayo dad u xiran Garsoorka Puntland.
Waxa uu sheegay in dadka la xiray aysan ku xirneyn amar madaxweyne iyo mid mas’uul kale, balse ay u xiran yihiin laamaha Garsoorka Maamulka Puntland.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay leedahay nidaam sharci iyo hay’addo Garsoor oo qaabilsan go’aan ka gaarista dadka ku eedaysan in ay sharciga ku xad-gudbeen.

