C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Dowladda Qadar Ku Eedeeyay Qaraxyada

0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah gudoomiyaha Xisbiga wadajir ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Qadar oo saaxiib dhow la ah Dowladda soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay siyaasiga in Dowladda Qadar ay ka dambeyso qaraxyadda ka dhacaya Soomaaliya,Islamarkaana ay lasoo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa su’aal ka keenay sababta Dowladda Qadar loogu aamusan yahay dhaqdhaqaayadda ay kawada Soomaaliya,halka shalay siyaasiyiinta Soomaalida ee ethopia xiriirka la lahaa lagu tilmaami jirey daba dhilif.

“Dowladda Qatar waxay la soo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya, safiirkeeduna sidii Generaal Gabre oo kale ayaa saf dheer loogu jiraa, shakhsiyaad tabcanayaal ahna way nagu dhex tallaasheen,soomaaliyey haddii aan shalay dhibsannay sandulleyska saraakiisha Itoobiya, siyaasiyiintii saaxiibka la ahaana daba dhilif Itoobiya ku suntannay, maxaan Qatar uga aamusannahay, Qatar ma waxaa looga aamusan yahay xoogaaga sandareertada ah ee xaggeeda ka yimaada,

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame  ayaa Dowladda Qadar ugu baaqay in ay joojiso fara gelinta qaawan ee ay arrimaha Soomaaliya ku hayso, kana waantowdo habdhaqan taban ee ay horey dowlado kale ugu hoogeen.

Dowladda Qadar ayaa kaalin ku laheyd doorashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), uu kusoo baxay sanadkii 2017-kii taasi oo ka dhacday magaaladda muqdisho.

Dowladaha Soomaliya  iyo Qadar ayaa waxaa haatan ka dhaxeeya xiriir wanaagsan,waxayna Dowladda Soomaaliya garab istaagtay Dowladda Qadar xiligii dalalka khaliijka ay xayiraad saareen.

Shalay Wafdi ka socda dowladda Qatar ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug, iyadoo wafdiga ay isugu jireen Saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar.

Ujeedka wafdigaan ay u gaareen shalay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay kormeerka goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadii Ahlusuna ee Ciidamadda Qaranka lagu soo biiriyay.

Dowladda Qadar ayaa  dhaqaale ugu bixin doonta tababarka la siinayo Ciidamada Ahlusuna oo dhowaan lagu biiriyay Ciidanka xoogga dalka, iyadoo la xareyn doono, kaddib markii si rasmi ah loo diiwaan geliyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here