Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Toogasho Ah Saaka Ku Fulisay Seddex eedeysane

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xukun dil ah ku fulisay seddex eedeysane oo loo heystay weerar ay ku dhinteen dad fara badan oo ka dhacay Muqdisho.

Eedeysanayaashan ayaa hore loogu riday xukunka lagu fuliyey ee dilka ah, waxaana Maxkamaddu ay cadeysay inay ka tirsan yihiin Al Shabab kana dambeeyeen weerar lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 2 oo ku yaallo waddada Maka Al Mukarrama.

Weerarka lagu qaaday Hotelkaas oo dhacay 28- October sanadkii 2017 ayaa dhaliyey dhimashada in ka badan 25 ruux iyo dhaawaca tiro intaa ka badan waxaana saacado badan gudaha Hotelka ka dhex dagaalamayey dagaalyahano ka tirsan Al Shabab.

Ragga maanta lagu fuliyey xukunka ayaa kala ah Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji, waxaana ragaan hore laba jeer oo kala duwan loogu riday xukun dil ah.

Weerarkii Hotelka Naasa Hablood 2 ayaa dhacay labo todobaad kadib weerarkii ugu saameeynta badnaa ee ka dhaca Geeska Africa kaas oo ka dhacay isgoyska Km5 Soobe saameeyeyna in ka badan 1,500 oo ruux

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here