Yariisow:-“Bajaajleyda aan Isdiiwaangalin Waa Kuwa u Adeega Shabaab”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa digniin u jeediyay bajaajleyda Magaalada Muqdisho iyo gaadiidleyda kale.

Yariisow oo xalay warbaahinta kula hadlayay muqdisho ayaa sheegay in Gaadiidleyda kala duwan ee Magaaladda loogu baahan yahay in ay isdiiwaan galiyaan,balse cidii arintaas ka hor imaada ay u aqoonsan doonaan cadow.

“Maleedahay bajaaj, maleedahay gaadiid, haddii uusan gaadiidkaaga diiwaan-gishnayn is diiwaangeli. Haddii aad gaadiidkaaga diiwaan-gishatay, laakiin aad qof ka iibisay, magacaaga weli ku qoran yahay masuuliyadda adaa qaadaaya, adaa masuul ka ah gaadiidkaas iyo wixii dhib ah uu gaysto,si hadaba taasi looga hortaggo bajaajleydu iyo baabuurta kalaba waxaan leenahay is diiwaangeliya.”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheeegay in shacbaka iyo Dowladda Soomaliya ay leeyihin hal cadow kaasi oo ah Al-shabaab.

“Umadda Soomaaliyeed waxay leedahay hal cadow, halkaas cadowna wuxuu yahay kooxaha argagixisada Al Shabaab, ayagana inaan halmeel uga soo wada jeedsano, oo aan la dagaalano ayuu qorshaheynu yahay.”ayuu yiri yariisow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here