Wararka ka imaanaya Degmadda Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya In Duleedka Degmadaas uu ka dhacay qarax Miino oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay, 3 qof ayaa dhimatey, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kuwaasi oo la socday gaariga miinadu ay qabsatay.
Nuur Biixi oo ah Isku duwaha wasaaradda caafmaadka ee deegaanka Dhoobley, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu dhulka ku aasnaa,islaamrkaana khasaare uu gaarsiiyay dadka shacabka ah.
Waxa uu sheegay in dadka dhaawacyadda qaba lasoo gaarsiiyay isbitaalka Degmadda Dhoobley ee Jubadda Hoose.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa,balse qaraxyadda noocaan oo kala ah waxaa sheegta Al-shabaab.

