Al-shaabab oo War kasoo Saaray Weerar Maanta ay Ka Fuliyeen Muqdisho

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa ka hadashay Israsaaseyn maanta ka dhacday Magaalada muqdisho.

Israsaaseyntaan ayaa barqanimadii maanta ka dhacday Isgoyska Siybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xubno shabaab ka tirsan oo la socday gaari ayaa isku dayay in ay dhaafaan kontorool ciidamada Dowladda ay halkaas ku leeyihiin,waxaana halkaas ka dhacday israsaaseyn u dhaxeysay ciidamadda Dowladda iyo raga shabaab ka Tirsan.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta Shabaab u sheegay in ciidankooda ay cagta mariyeen koontaroolka islamarkaana ay laayeen ciidankii halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidankooda iska caabiyeen ciidamo gurmad ah oo soo gaaray goobta kuwaas oo uu sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen.

“Koontaroolka cagta ayaan marinay ciidamadii joogayna waan leynay, ka dibna ciidankeena dib ayey kaga soo gurteen goobta marka laga reebo laba walaal oo halkaas nooga dhintay” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al Shabaab.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka ka dhacay Magaaladda muqdisho ayaa sheegtay in ciidamadda dowladda ay toogteen labo xubnoo oo shabaa ka tirsanaa midkalana uu baxsaday.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here